Liverpool ayaa isha ku haysa xiddiga Leicester City Kiernan Dewsbury-Hall si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda sida ay sheegayaan wararku.
Reds ayaa xiddiga reer England u aragta xiddig xoojin kara khadka dhexe ee kooxda iyada oo Klopp doonayo in uu sii wado xoojinta khadka dhexe.
Liverpool ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda dalab ka gudbiso xiddiga kaas oo ay u arkaan badalka Jordan Henderson oo ka tagay kooxda.
Xiddiga Kiernan Dewsbury-Hall ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Leicester City xilli ciyaareedkii hore inkasta oo ay Kooxdu ka hadhay premier League.
Xiddiga kadka dhexe ee Kiernan Dewsbury-Hall ayaa soo jiitay indhaha Jurgen Klopp isaga oo la dhacay dadaalka xiddiga reer England ee xilli ciyaareedkii hore.
Related