Kooxda Juventus ayaa wadahadalo la furtay kooxda Arsenal iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey sida ay sheegayaan wararku.
Juventus ayaa la rumaysanyahay in ay tahay kooxda uu Partey doonayo hadii uu ka tago kooxda Arsenal suuqa xagaagan.
Kooxo badan oo sucuudiga ka ciyaara ayaa doonaya xiddiga laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu sii joogo horyaalada yurub.
Xiddiga Thomas Partey ayaa door muhiim ah ka ciyaaray tartankii ay Arsenal u gashay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore.
Wargayska Metro ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Juventus wadahadalo cusub la furtay kooxda Arsenal si ay hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Juventus ayaa doonaysa in ay wax walba u samayso saxiixa xiddiga Thomas Partey si ay ugu xoojiso khadkeeda dhexe xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: XASAASI: Somaliland Oo Xaqiijisay Wakhtiga Ay Puntland Ciidamo Cusub Keenayso Magaalada Lasacaanood.

Related



Source link