Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay ku dhowdahay inay soo gabagabeyso heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga RB Leipzig ee Josko Gvardiol.
Kooxda 3-da koob ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore ayaa RB Leipzig kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Croatia iyada oo ka bixinaysa lacag dhan 90 milyan oo euro.
Tababare Guardiola oo sheegay waxa uu xiddiga 21 jirka ah keeni karo kooxdiisa ayuu sidoo kale xaqiijiyay in ay Man City ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.
Mark wax laga waydiiyay xiddiga daafaca ka ciyaara ayuu Guardiola yidhi”Arinta la xidhiidha Gvardiola, waxa uu leeyahay magac qurux badan”.
“Cid walba way ogtahay in uu halkan joogay waxan rajaynayaa in saacadaha soo socda la soo dhamaystiray”.

Related



Source link