Chelsea ayaa xaqiijisay Saxiixa daafaca Axel Disasi kaas oo ay kula soo wareegtay 38 milyan oo euro iyaga oo kala doo wareegay kooxda Monaco.
Xiddiga reer France ayaa noqday saxiixii 5-aad ee kooxda chelsea ee suuqa xagaaga xilli ay kooxdu si weyn ugu mashquulsantahay suuqa.
Kooxda chelsea ayaa la soo saxiixatay daafaca Axel Disasi kadib dhaawacii Wesley Fofana kaas oo uu soo gaadhay dhaawac halis ah.
Blues ayaa si deg-deg ah u dhaqaaqday in ay  buuxiso booska Fofana kadib markii la xaqiijiyay dhaawac soo gaaday xiddiga.
Xiddiga Axel Disasi oo 25 jir ah aya akooxda Monaco u ciyaaray 118 kulan ka hor intii uuna ku biirin kooxda chelsea suuqa xagaaga.

Related



Source link