Xiddiga Ousmane Dembele ayaa ka tagay Barcelona iyada oo la sugayo xaqiijinta heshiiska uu xiddigu ugu biirayo PSG.
Inkasta oo ka tagista xiddigu diciifinayso kooxda Barcelona hadana waxa ay faa’iido u tahay xiddigo ka mid ah kooxda.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 4 xiddig oo ka faa’iidaya bixitaanka Dembele.
Raphinha:
Xiddiga reer Brazil ayaa ahaa xiddiga kaliya ee dhaliyay 10 gool 10 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkii hore, waxana laga yaabaa in uu qaban lahaa shaqo intaas ka badan hadii uuna kaydka u fadhiyeen Dembele kaas oo inta badan ku bilaaban jiray garabka bidix ee weerarka.
Ansu Fati:
Xiddiga reer Spain ayaa doorbida in uu ka ciyaaro bidix laakiin marar badan Xavi ayaa ka ciyaarsiiyay xiddiga Dembele taas oo keentay in uu kaydka u galo xiddiga reer France, hadii uu Dembele tago waxa uu heli doonaa fursad fiican oo uu ku ciyaaro.
Ferran Torres:
Marka la eego qaab ciyaareedkii aan ku aragnay Torres gaar ahaan marka kooxdiisa laga haysto kubada waxa uu si xoogan ugu tartami doonaa booska marka uu Dembele tago.
Lamine Yamal:
Waxa laga yaabaa in aad daawatay xiddigan, waana 16 jir hadii uu Dembele tago waxa uu heli doonaa fursad badan oo uu ku ciyaaro.
Sii Akhriso: XASAASI: Somaliland Oo Xaqiijisay Wakhtiga Ay Puntland Ciidamo Cusub Keenayso Magaalada Lasacaanood.

Related



Source link