Eddie Nketiah ayaa sheegay inuu diyaar u yahay oo uu sugayo inuu hogaamiyo weerarka kooxda Arsenal xilli ciyaareedka cusub marka uu bilaabmo iyada oo kooxdu xilli ciyaareedka bilaaban doonto la’aanta Gabriel Jesus.
Arbacadii ayaa la xaqiijiyay in uu Gabriel Jesus seegi doono bilowga xilli ciyaareedka cusub kadib dhaawac soo gaadhay.
Xiddiga reer Brazil ayaa la filayaa in uu seego 4-ta kulan ee ugu horyasa xilli ciyaareedka cusub ee kooxdiisa.
Kadib dhaawaca soo gaadhay Jesus, Nketiah ayaa la filayaa in uu hogaamiyo weerarka kooxda Arsenal Kulanka Man City.
“Uma malaynayo in aan buuxinayo booska, waxa aan halkan u joogaa in aan ciyaaro”ayuu u sheegay ESPN.
“Sida iska cad waan rumaysanahay awoodayda waxana aan ogahay in aan caawin karo kooxda, tababaruhuna waxa uu qaataa go’aan adag waanan shaqayn doonaa hadii uu ii yeedho”.

Related



Source link