Rio Ferdinand ayaa aaminsan in saxiixa Manchester United ee Rasmus Hojlund uu ‘waqti qaadan doono inuu la qabsado Premier League sida Xiddiga Liverpool ee Darwin Nunez.
Erik Ten Hag ayaa soo dhawayanaya saxiixiisa cusub kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Man United.
Hojlund ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu u joogi doono kooxda ku ciyaarta Old Trafford.
Ferdinand ayaa sheegay in Hojlund leeyahay tayada uu ku noqon karo xiddiga ugu fiican isla markaas hogaamin karo weerarka Man United laakiin uu 20 jirku u baahnaan doono in uu la qabsado premier League.
“Waxa ugu horeeya ee ay tahay in aad eegto in uu tayo leeyahay”ayuu Ferdinand yidhi.
“Qof walba oo daawaday waxa uu arkaa in uu leeyhaay astaamo uu ku noqon karo xiddig heer sare ah isla markaas ku soo baxayo premier League”.
“Waxan qabaa in qiimihiisu yahay mid ka baxsan gacantiisa, waana sida Darwin Nunez oo kale, xilli ciyaareedkii hore wuu la qabsanayay”.

Related



Source link