Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Chelsea suuqa xagaagan hadii ay kooxdu diyaar u tahay in uu hal sano amaah ugu biiro ka hor inta uuna xagaaga dambe qaab xor ah ugu biirin Real Madrid (Sport).
Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda SOuthamton ee Romeo Lavia kadib markii Liverpool laga diiday 2 dalab (Independent).
Ku dhawaaqista Man United ee saxiixa Rasmus Hojlund ayaa dib loo dhigi karaa ilaa todobaadka dambe (Manchester Evening News).
Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa laga yaabaa in ay uu qayb mushaharkiisa ah u dhimo si uu ugu biiro Bayern Munich (Bild).
Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca kooxda Arsenal ee Takehiro Tomiyasu (Gazzetta dello Sport).
Kooxda Barcelona ayaa Man CIty kula jirta wadahadalo ay kaga doonayso saxiixa xiddiga Joao Cancelo (Talksport).
Kooxda Barcelona ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Xiddiga kooxda Man City ee Cancelo (Mail).
Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Donny Van de Beek si ay lacagtiisa ugu soo xero galiso xiddiga  Sofyan Amrabat (Mail).
Kooxda Liverpool ayaa dalab 80 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo (Athletic).
Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 100 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Moises Caicedo (Sky).
Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Benfica ee Goncalo Ramos (A Bola).
Kooxda Man United ayaa dar-dar galisay baacsiga saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Leon Goretzka (Sky).

Related



Source link