Baacsiga ay Liverpool ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia ayaa yeeshay waji xiiso leh xilli xiddiga Southampton uu muujiyay rabitaankiisa ku aadan ku biirista kooxda.
Xiddiga 19 jirka ah ee reer Belguim oo kulankiisii ugu horeeyay ee premier League ciyaaray xilli ciyaareedkii hore ayaa xiiso ka helaya kooxaha ugu waaweyn premier League laakiin waxa ay u muuqataa in ay Liverpool ugu cad-cadahay saxiixiisa.
Inkasta oo laga diiday 2 dalab hadana Liverpool ayaa la filayaa in ay mar kale kula laabanayso dalab 3-aad si ay u helaan saxiixa xiddiga reer Belguim
Saxafiga Sacha Tavolieri ayaa sheegaya in ay Reds dalab cusub ka gudbinayso saxiixa xiddiga si ay u hesho saxiixa xiddiga.
Sidoo kale xidiga ayaa maamulka Southampton u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Related



Source link