Arsenal ayaa duruba la kulantay dhirbaaxo xun ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Xilli ay Arsenal isku diyaarinayso in ay mar kale ku tartanto horyaalka premier League waxa ay heshay war xun.
Xiddiga Gabriel Jesus ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawacmay isla markaas garoomada ka maqnaan doono muddo todobaadyo ah.
Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu Jesus ka dhaawacmay jilibka isla markaas maray qaliin u diidi doona in uu ciyaaro kulamada kooxda.
Haatan waxa la shaaciyay kulamada uu Jesus ka maqnaan doono kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.
Wararka ayaa sheegaya in uu Jesus seegi doono ugu yaraan 3 kulan oo tartamada oo dhan ah kadib dhaawacii soo gaadhay.
Kulamada uu Jesus seegi doono waxa ka mid ah Man City oo Community sheild-ka ah Iyo kulamada Premier League ee Notthingham forest iyo Crtsgal Palace.

Related



Source link