Xill bilaabashada xilli ciyaareedka cusub fooda inagu soo hayso waxa la soo saaray kooxaha lacagta ugu badan galiyay suuqa kala iibsiga ilaa haatan.
Ilaa haatan waxa jira xiddigo magac leh oo lala kala wareegay inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga xagaaga.
Jude Bellingham ayaaa ah xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga xagaaga isaga oo Real ugu biiray 115 milyan oo euro.
Si kasta ha ahaatee kooxaha sucuudiga ayaa ah kooxaha lacagaha ugu badna galinaya suuqa xagaaga si ay u soo jiitaan xiddigaha ugu waaweyn ee yurub.
Xiddigaha ay ka midka yihiin Karim Benzema, Roberto Firmino, N’Golo Kante, Sadio Mane, Fabinho & Jordan Henderson ayaa ah xiddigaha isaga baxsaday ay u raadsadaan lacag.
Hadaba halkan kaga bogo 10-ka kooxood ee ilaa haatan suuqa galiyay lacagta ugu badan xagaaga.
Arsenal – England – €211.7 million
Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda ugu dhaq-dhaqaaqa badan qaarada yurub xagaagan iyaga oo la soo saxiixday 3 xiddig oo muhiim u ah dib u dhiska Mikel Arteta iyo kooxdiisa.
Al Hilal – Saudi Arabia – €161.2 million
Kooxda sucuudiga ka ciyaarta ayaa la wareegtay xiddigo wacdaro ka dhigay yurub waxana ka mid ah xiddigii hore ee kooxda chelsea Kalidou Koulibaly iyo waliba xiddigii hore ee kooxda Wolves Ruben Neves.
Paris Saint Germain – France – €128 million
Kooxda PSG ayaaa u muuqata kuwo maraya wado ka duwan wadadii hore ee ay kula soo saxiixan jireen xiddigo magacyo waaweyn leh waxana ay xagaagan sameeyeen saxiixyo ay ka mid yihiin Marco Asensio iyo xiddigo kale.
Tottenham Hotspur – England – €124.7 million
Real Madrid – Spain – €124.5 million
Manchester United – England – €91.2 million
Aston Villa – England – €85.1 million
Al Ahli – Saudi Arabia – €80.7 million
Al Nassr – Saudi Arabia – €80 million
Al Ittihad – Saudi Arabia – €75.8 million
Related