Hadda wax ka yar hal bil ayaa ka haray suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana wali sii socota xoojinta kooxaha premier League.
Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee aan wakhtiga tartan la gali doonin maadama ay wakhti horeb ka adeegteen suuqa isla markaas ayna aad ugu baahnayn xiddigo cusub.
Laakiin waxa jira kooxo wakhtiga tartan la gali doona si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan in ay dhamaystiraan ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ay kooxaha waaweyn u dhaqaaqi doonaan kuna dadaali doonaan sidii ay u heli lahaayeen saxiixa xiddiga.
ARSENAL:
Arsenal ayaa samaysay 3 saxiix kuwaas oo kala ah Declan Rice, Jurrien Timber & Kai Havertz Laakiin Arsenal ayaan ku qasbanayn in ay sameeyaan wax saxiixyo ah hadii ayna qasab ku noqon in ay suuqa gasho.
Gunners ayaa la filayaa in ay u dhaqaaqo saxiixa Goolhayaha Kooxda Brentford ee David Raya kaas oo uu Arteta doonayo in uu la tartansiiyo Aaron Ramasdale.
CHELSEA:
Kooxda chelsea ayaa ilaa haatan samaysay 4 saxiix oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxda iyaga oo doonaya in ay dhisaan koox ka soo laabata kaalintii ay kaga dhamaystay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.
Xiddiga Moises Caicedo Ayaa ah xiddiga 1-aad ee Brighton kaas oo ay Blues ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad halka ay sidoo kale doonayaan saxiixa Goolhaye Cusub waxana ay xiiso u qabaan saxiixa Goolhayaha Brighton ee Robert Sanchez.
LIVERPOOL:
Liverpool ayaa suuqa xagaaga gashay iyada oo la filayo in ay is badal weyn ku samayso khadka dhexe iyaga oo si weyn ugu dhibaatooday khadka dhexe xilli ciyaareedkii hore.
Reds ayaa haatan la soo saxiixatay Alexis Mac Allister & Dominik Szoboszlai Laakiin Waxa ay u muuqataa in ayna halkaas ku joogsan doonin siina wadi doonaan xoojinta khadka dhexe.
Xiddiga Romeo Lavia ayaa ah xiddiga sida weyn loo doonayo iyada oo Klopp xiddiga u arko badalka Fabinho oo ka tagay kooxda waxana la filayaa in dhamaystirto saxiixa xiddiga.
MAN CITY:
Man City ayaa la odhan karaa waa kooxda ugu mashquulka yar suuqa xagaaga iyaga oo aan samayn saxiixyo badan ilaa haatan laakiin waxa ay yeelan doontaa mashquul badan todobaadyada soo socda.
Xiddiga ugu horeeya ee la filayo in ay dhamaystirto ayaa ah xiddiga RB Leipzig ee Josko Gvardiol kaas oo ay doonayso in ay dhamaystirto ka hor kulanka Arsenal ee Axada dambe.
Sidoo kale Man City ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda Rennes ee Jeremy Doku iyada oo xiddiga 21 jirka ah u arka badalka Riyad Mahrez oo ka tagay kooxda.
MAN UNITED:
Erik Ten Hag ayaa helay saxiixyada xiddigaha  Mason Mount, Andre Onana & Rasmus Hojlund kuwaas oo a bartilmaameedyada Ten Hag ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Laakiin United ayaa wali u baahan xiddig khadka dhexe ah waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga Fiorentina ee Sofyan Amrabata kaas oo Ten Hag doonayo in uu ku xoojiyo khadka dhxe.

Related



Source link