Xilli ay Man United baacsi ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sofyan Amrabat, Fiorentina ayaan meesha ka saarin in uu sii joogo kooxdiisa xilli uu ka hadlay mustaqbalkiisa.
Red Devils ayaa ka shaqaynaysa sidii ay ula soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe iyada oo uu Erik Ten Hag Doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.
Sofyan Amrabat ayuu hal sano uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Fiorentina waxana lala xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda.
Man United ayaa xiddiga ka dhigatay bartilmaameedkooda 1-aad ee khadka dhexe iyada oo uu Ten Hag doonayo in uu la midoobo xiddiga.
“Ma garanayo haddii aan baxayo… malaha waxaan sii joogi karaa halkan Fiorentina,” ayuu yidhi.
“Ma garanayo, waan sii joogi karaa”.
Related