Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Goolhayaha Kooxda Brentford ee David Raya kaas oo lagu qiimeeyo 40 milyan oo euro (Evening Standard).
Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Josko Gvardiol ka hor inta ayna Axada dambe wajihin Arsenal kulanka Community Shield (Mail).
Man City ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Rennes ee Jeremy Daku si uu u noqdo badalka Riyad Mahrez (Fabrizio Romano).
Man City ayaa sidoo kale xiddiga kooxda Crystal Palace ee Michael Olise u aragta badalka Riyad Mahrez (Athletic).
Kooxda Bayern Munich ayaa diyaarinaysa in ay dalab 100 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane (Independent).
Bayern Munich ayaa ku kalsoon in ay Tottenham kala heshiin doonto saxiixa xiddiga Harry Kane (Mirror).
Harry Kane ayaa laga yaabaa in uu sii joogo Tottenham inta ka dhiman heshiiskiisa hadii uu ku fashilmo in uu ka tago kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub (Evening Standard).
Kooxda chelsea ayaa liiska xiddigaha ay doonayso saxiixooda inta lagu jiro suuqa xagaaga (Times).
Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay xiddiga kooxda Fluminense ka dhigto saxiixeeda suuqa xagaaga khadka dhexe (Sky Sport).
Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Ryan Gravenberch (Independent).
Liverpool ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Kalvin Phillips (Independent).
Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay PSG u soo bandhigto xiddigaha Raphinha, Gavi & Ousmane Dembele (Le Parisien).
Barcelona ayaa sidoo kale doonaysa xiddiga Atletico Madrid ee Joao Felix si ay ugu buuxiso booska Dembele (Sport).
Mbappe ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid iyada oo Heshiisku ku kacayo 250 milyan oo euro (Marca).
Kooxda PSG ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Eintracht Frankfurt Randal Kolo Muani (L’Equipe).
Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga Southampton ee Romeo Lavia iyada oo la filayo in dhawaan la gaadho heshiis buuxa (Foot Mercato).
Related