Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay Filayso dalab ay chelsea ka soo gudbiso saxiixa xiddiga Kylian Mbappe.
Inkasta oo uu haatanba halyeey ka noqday PSG, Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid isaga caraabaya kooxda PSG.
Iyada oo hal sano ka dhimanyahay heshiiskiisa xiddiga ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isaga oo donaya in uu qaab xor ah uga tago xagaaga dambe.
Laakiin kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga xagaagan halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xiddiga xagaaga dambe.
Kylian Mbappe Ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin Real Madrid, Barcelona, Arsenal, Liverpool,chelsea iyo kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta sucuudiga.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, PSG ayaa filaysa in ay chelsea dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga Mbappe maalmaha soo socda.
Related