Tababaraha kooxda Arsenal mikel Arteta ayaa xaqiijiyay dhaawac so gaadhay xiddiga Gabriel Jesus.
Jesus ayaa seegay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay Monaco Kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Arteta ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu dhaawac ku seegay kulankii Monaco.
kadib ciyaarta Arteta ayaa ka hadlay dhaawac weeraryahankiisa waxana uu xaqiijiyay in uu muddo garoomada ka maqnaan doono.
“Waxa uu maray qaliin yar saaka, Nasiib xumo wuu dhaawacmay”.
“Waxa uu daresay raaxo la’aan dhinaca jilibka ah, Waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo’ayuu aii raaciyay

Related



Source link