Xiddiga Levi Colwill ayaa sheegay in heshiis kordhintii uu u sameeyay chelsea in ay ahayd mid aad u fudud iyada oo kooxdu ku dhawaaqday heshiiska cusub ee xiddiga.
Xiddiga reer England ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo cusub kadib markii uu iska diiday kooxaha Liverpool iyo Brighton.
Xiddiga Colwill ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda chelsea kuwaas oo doonayay in ay sii haystaan xiddiga da’yarka ah.
Daafaca ayaa xilli ciyaareedkii hore Amaah ku qaatay Brighton waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
“Mar walba waxay ahayd go’aan sahlan,” ayuu u sheegay ChelseaFC.com.
“Tan ilaa markii aan korayay, waxa kaliya ee aan aqaanay ayaa ah chelsea, waxan la hadlay tababaraha waxana uu i siiyay kalsooni aan u baahnaa”
Related