Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood ku soo galeen shax adag oo ay ku doonayeen in ay isku tijiyaan.
Liverpool ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo daqiiqadii 2-aad dhaliyay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Cody Gakpo.
Reds ayaa sii waday goolasha waxana ay daqiiqadii 28-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Virgil Van Dijk kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Kooxda Bayern Munich ayaa dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Serge Gnabry kaas oo ciyaarta dib u shiday kana dhigay 2/1.
Ka hor inta ayna qaybta hore ee ciyaartu dhamaan ayay Bayern Munich dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Leroy Sane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa sidaas ku dhamaaty qaybta hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah.
Qaybta dambe ayay Liverpool dar-dar leh ku bilaabatay waxana daqiiqadii 66-aad dhaliyay gool qurux badan xiddiga Luis Diaz kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Liverpool ku hogaaminayso.
Xiddiga Josip Stanisic ayaa daqiiqadii 80-aad Bayern u dhaliyay goolka bar-baraha waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/3.
Kooxda Bayern Munich ayaa daqiiqadii 90-aad dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Frans Kratzing kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/ 3.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bayern Munich gaadhay guul ay 4/3 kaga adkaatay kooxda Liverpool kuwaas oo uu ka muuqday diciifnimo dhinaca daafaca ah.

Related



Source link