Kooxda Barcelona aya guul ka gaadhay kooxda Ac Milan kulan ka tirsanaa isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub.
Kulanka ayaa ahaa midkii ugu dambeeyay ee Ousmane Dembele u ciyaaray kooxda Barcelona.
Dembele ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda PSG kuwaas oo bixiyay lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.
Barcelona ayaa 1/0 uga badisay kooxda reer Talyaani kulan uu Xavi laba shaxood ku ciyaaray labada qaybood ee ciyaarta.
Daqiiqadii 56-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ansu Fati kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul ay Kooxda Barcelona ka gaadhay Ac Milan
Related