Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo celin doonto xiisaha ay u qabto weeraryahanka Atletico Madrid Joao Felix hadii Ousmane Dembele uu ka tago kooxda xagaagan.
Dembele ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Camp Nou, waxaana la fahamsan yahay inuu diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Barcelona isaga oo doortay ku biirista kooxda PSG.
Xiddiga 26 jirka ah ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis 5 sano ah u saxiixo kooxda PSG kadib markii ay kooxda reer France bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.
Sida laga soo xigtay Sport, Barcelona ayaa bilowgii sanadkan loo soo bandhigay xiddiga Joao Felix laakiin kooxda ayaa iska diiday saxiixa xiddiga.
Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaa haatan badashay Go’aankeeda waxana ay diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Joao Felix kaas oo la filayo in uu isaga tago Atletico Madrid.

Related



Source link