Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay baacsiga ay ugu jirto xiddiga kooxda Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia.
Xiddiga garabka ka ciyaara oo horay loola xidhiidhinayay Premier League ayaa haatan diirada u saaran kooxda Arsenal waxana la helay wax dhiiri galiyay taageerayaasha Arsenal kuwaas oo ku rajo weyn in uu xiddigu ku biiro kooxda Mikel Arteta.
Arsenal ayaan ahayn kooxda kaliya ee xiisaha u qabta saxiixa xiddiga iyada oo horay loola xidhiidhinayay kooxaha Newcastle, Man City, Man United iyo PSG.
Kooxda Napoli ayaa ku adkaysanaysa in uuna xiddigu iib ahayn marka la eego in ay xiddigo badan oo muhiim ah haatanba ka tageen kooxda.
Laakiin Napoli ayaa war fiican ka heshay tartanka iyaga oo leh faa’iido ayna kooxaha kale haysan.
Agaasimaha Napoli ee Mauro Meluso ayaa xidhiidh fiican la leh kooxda Arsenal maadama uu horay u ahaan jiray La taliyaha kooxda sida laga soo xigtay football.london.
Related