Horyaalka sucuudiga ayaa qorshaynaya lama filaano kale oo suuqa ah iyaga oo diyaariyay 4-ta xiddig ee ay doonayaan in xagaaga sanadka dambe la keeno horyaalka.
Kooxaha ugu waaweyn horyaalka ee  Al-Hilal, Al-Nassr, Al Ahli & Al-Ittihad ayaa ka mid ah kooxaha wacdaraha ka dhigaya suuqa isla markaas la soo saxiixday xiddigo waaweyn.
Laakiin kooxaha sucuudiga ayaa haatan dajinaya qorshaha suuqa kala iibsiga xagagaa dambe iyaga oo diyaarinaya xiddigo magac ku leh yurub oo ay doonayaan xagaaga.
Sida laga soo xigtay Rudy Galetti ayaa sheegaya in ay kooxaha sucuudiga doonayaan sanadka dambe in ay xiddigo kale oo magac leh keenaan kooxda xagaaga.
Xiddigaha ay haatan kooxaha sucuudiga indhaha ku hayaan waxa ka mid ah Mohamed Salah, Kevin de Bruyne, Neymar & Luka Modric

Related



Source link