Kooxda chelsea ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Juventus iyaga oo doonaya in ay kooxda reer Italy is dhaafsadaan xiddigaha Romelu Lukaku and Dusan Vlahovic.
Saxafiga Di Marzio ayaa sheegaya in ay jirto sabab keenaysa in ay chelsea u ogolaato in ay Lukaku ka qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso xiddiga Dusan Vlahovic.
Saxafiga reer Talyaani ayaa sheegaya in halk waddo ee ay chelsea kaga taqalusi karto Lukaku xagaagan tahay in ku darto heshiiska ay ku doonayso xiddiga Vlahovic.
Chelsea ayaa bilowgii suuqan iska diiday fursad ay kula saxiixan karto xiddiga Vlahovic iyada oo diirada saaraysay saxiixyo kale.
Laakiin haatan waxa ay doonaysaa in ay iska iibiso Lukaku ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Si ay ugu fududaato iska dirkiisa, Chelsea ayaa lacag iyo waliba Lukaku miiska u saaray Juventus si ay u helaan saxiixa Vlahovic.

Related



Source link