Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo ka quusanaya baacsiga ay ugu jiraan xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Southampton Romeo Lavia.
Liverpool ayaa dalab 2-aad ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin Southampton ayaa isla markiiba ka diiday Liverpool dalabkaas.
Kooxda Klopp ayaa dalab 41 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Laakiin Southampton ayaa doonaysa lacag dhan 50 milyan oo euro.
Saxafiyada Melissa Reddy ayaa haatan sheegaysa in ay Liverpool dareenkeeda u jeedinayso meelo kale si ay ugu xoojiso khadka dhexe.
Liverpool ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda Fluminese ee ka ciyaarta horyaalka Brazil iyaga oo ka doonaya xiddiga khadka dhexe ee Andre.
Liverpool ayaa Andre doonaysa in ay ka dhigto badalka Lavia hadii ay Southampton ku adkaysato in ayna hoos uga soo dagin 50 milyan ee ay dalbanayso.

Related



Source link