Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka cabaaday horyaalka sucuudiga kadib wacdarihii ay ka dhigeen suuqa kala iibsiga xagaaga.
kooxaha sucuudiga ayaa ilaa haatan soo uruursaday xiddigo badan oo reer yurub ah iyaga oo xiddigaha ku soo jiitay lacag badan.
Liverpool ayuu ayay kooxaha sucuudigu si gaar ah u saameeyeen iyaga oo kala wareegay laba xiddig.
Xiddigaha Jordan Henderson iyo Fabinho ayaa ah xiddigaha ay kooxaha sucuudigu kala wareegeen ilaa haatan suuqa xagaaga.
Sidoo kale xiddiga Luiz Diaz ayaa ka mid ahaa xiddigaha ay kooxaha sucuudiga ka doonayeen kooxda Liverpool.
“Saameynta Sacuudiga? Waan arki doonnaa. Ma garanayo. Hadda waxay u muuqataa inay saameyn weyn leeyihiin,” ayuu yiri.
“Waxaan u maleynayaa in waxa ugu xun ay tahay in suuqa kala iibsiga ee Saudi Arabia uu furan yahay saddex toddobaad inta ay horyaalada kale xidhanyihiin, taasni ma ahan mid fiican”.

Related



Source link