Kooxda chelsea ayaa wadahadalo kula jirta Juventus si ay isku dhaafsadaan xiddigaha Romelu Lukaku iyo Dusan Vlahovic sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Romelu Lukaku kadib markii uu amaah ku qaatay Inter Milan xilli ciyaareedkii hore.
Dookha Lukaku ayaa ah in uu sii joogo koox ka ciyaarta champions League xilli ay Inter diidantahay in ay bixiso qiimaha ay Chelsea ku qiimayso.
Taas ayaa keentay in ay Juventus ku biirto tartanka xiddiga reer Belguim kuwaas oo doonaya saxiixiisa.
Kooxaha chelsea iyo Juventus ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay ku jiraan wadahadalo ay isku dhaafsanayaan xiddigaha Lukaku iyo Vlahovic.

Related



Source link