Daafaca kooxda Monaco Axel Disasi ayaa lagu soo waramayaa in uu soo gaadhay England si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Chelsea sida ay sheegayaan wararku.
Blues ayaa la rumaysanyahay in ay 38.6 milyan euro kala heshiisay kooxda Monaco si ay u helaan saxiixa daaaca ka ciyaara si ay u xoojiyaan daafaca.
Disasi ayaa noqon doona badalka Wesley Fofana kaas oo dhaawac halis ah soo gaadhay lana filayo in uu muddo garoomada ka maqnaado.
Xiddiga 25 jirka ah ayaa iska diiday kooxaha Newcastle iyo Man United isaga oo ka doortay kooxda chelsea.
Fabrizio Romano ayaa sheegaya in Disasi haatan soo gaadhay England si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda chelsea.
Xiddiga ayaa kadib qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.
Related