Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la bilowday kooxda Brentford si ay u hesho saxiixa Goolhayaha David Raya (Athletic).
Kooxda Bayern Munich ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa Raya iyaga oo u doonaya badalka Manue Neuer (Guardian).
Chelsea ayaa isku dayaysa in ay lacag iyo xiddig ku dalbato xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe (Record).
PSG ayaa filaysa in ay Real Madrid dalab aad u hooseeya ka soo gudbiso xiddiga Mbappe (RMC).
Xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda PSG iyada oo kooxda reer France isku diyaarinayso in ay bixiso lacagta lagu bur-burinayo heshiskiisa (Romano).
Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Hilal ayaa Man United ku garaacaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fiorentan ee Sofyan Amrabat (L’Equipe).
Kooxda chelsea ayaa ku kalsoon in ay ku guulaysan doonto saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace ee Michael Olise (90min).
Kooxda Man City ayaa ku kalsoon saixia xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol (Football Insider).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Ajax ee Mohammed Kudus (Express)
Arsenal ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia (Football Transfers).
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Inter Milan Nicolo Barella Laakiin Inter ayaa ku qiimaysa xiddiga 80 milyan (Calciomercatoweb).
Kooxda Liverpool ayaa la kulantay tababaraha Celta Vigo Rafa Benitez si ay ugu qanciyaan saxiixa xiddiga Gabri Veiga (Ben Jacobs).
Related