Kooxda Barcelona ayaa dhirbaaxo la kulantay saacadihii ugu dambeeyay kadib markii ay Dalab ka heshay kooxda PSG kuwaas oo doonaya in ay wadahadalo la qaataan xiddiga Ousmane Dembélé iyaga oo doonaya in ay bixiyaan lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa si ay u helaan saxiixiisa suuqa xagaagan.
Heshiiska Ousmane Dembélé ee Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana heshiiskiisa lagu bur-burin karaa 50 milyan oo euro.
Arinta la yaabka leh ayaa ah in kala badh lacagta uu iska leeyahay xiddiga taas oo la macno ah in ay Barcelona kaliya heli doonto 25 milyan hadii heshiisku dhoco.
PSG ayaa haysata 24 saac si ay u dhamaystiraan heshiiska Ousmane Dembélé maadana wixii bari ka dambeeya qiimuhu kor ugu kacayo 100 milyan oo euro.
Bixitaanka Ousmane Dembélé ayaa dhirbaaxo ku noqon doonta tababare Xavi iyo waliba taageerayaasha Barcelona taas oo kooxda xasuusinaysa bixitaankii Neymar ee xanuunka badnaa sanadka 2017.
Related