Man United ayaa laga yaabaa in ay Liverpool ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa sidoo kale doonaysa Saxiixa xiddiga da’yarka ah oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.
Liverpool ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga 19 jirka ah laakiin haatan waxa ay wajahaysaa tartan ku aadan saxiixiisa.
Kadib markii laga diiday dalab 35 milyan ah isla markaas ayna Southampton wali aqbalin dalabkooda 2-aad waxa ay haatan wajahaysaa tartan adag oo ku aadan saxiixa xiddiga.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man United ayaa laga yaabaa in ay Liverpool ku garaacdo saxiixa xiddiga halka ay chelsea sidoo kale xiiso u qabto saxiixa xiddiga.
Related