U dhaqaaqista Rasmus Hojlund ee Manchester United ayaa Arsenal ka caawin karta saxiixa Goolhayaha Brentford ee David Raya.
Toddobaadkii hore waxaa soo baxday in United ay heshiis la gaartay Atalanta si ay ula wareegaan xiddiga 20 jirka ah ee weerarka ka ciyaara.
Man United ayaa xiddiga kula wareegaysa 64 milyan oo lacag toos ah iyo waliba 8 milayn oo Guno ah waxana uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.
Ku biirista xiddiga reer Denmark ayaa faa’iido ah kooxda Arsenal kuwaas oo doonaya in ay iska iibiyaan xiddigo kooxdeeda ah si ay u helaan lacag ay kula soo saxiixdaan xiddigo cusub.
Arsenal ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Folarin Balogun kaas oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah.
Kooxda Atalanta oo jeebka ku shubatay lacagta ay Man United ka heshay ayaa suuqa ugu jirta badalka Rasmus Hojlund inta uu furanyahay suuqa xagaaga.
Wararka ayaa sheegaya in ay Atalanta diyaarinayso dalab lacageed oo ay ku doonayso xiddiga Balogun kaas oo ay doonayso in ay ku badasho Rasmus Hojlund.
Related