Tababaraha Kooxda Liverpool ayaa ku qoslay wararka sheegaya in ay Liverpool wadahadalo kula jirto kooxda PSG si ay qaab amaah ah kula wareegto xiddiga Kylian Mbappe inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Xiddiga reer France ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG xilli uu hal sano ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda caasimada.
Taas ayaa keentay in ay PSG suuqa dhigto xiddiga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo ay ka mid yihiin Al-Hilal, Real Madrid iyo kooxo kale.
Laakiin waxa saacadihii ugu dambeeyay soo baxay wararka sheegaya in ay Liverpool ku dhawdahay in ay heshiis amaah ah kula wareegto xidiga reer France xagaagan.
Markii Klopp la waydiiyay in ay kooxdiisu amaah kula soo wareegayso Kylian Mbappe ayuu Klopp ku jawaabay”Waan ku qosolnay”.
“Run ahaantii waa ciyaartoy fiican laakiin xaalada dhaqaale ayaan nagu fiicnayn”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link