Man United ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka kadib markii ay Guuldaro kala kulmeen Borussia Dortmund.
Man United ayaa ciyaartay Kulan ka mid ah kulamada isku  diyaarinta xilli ciyaareedka cusub xilli uu Ten Hag kooxdiisa u diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub.
Ten Hag ayaa shaxdiisa ku sameeyay is badal isaga oo isku dhafay xiddigihiisa xilli uu tijaabanayo xiddigaha diyaarka u ah xilli ciyaareedka cusub.
Man United aya ku hor martay goolka Waxana daqiiqadii 24-aad gool u dhaliyay xiddiga Diogo Dalot kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Laakiin Dortmund aya daqiiqadii 43-aad dhalisay goolka bar-baraha waxna u dhaliyay xiddiga Donyell Mallen kaas oo kooxdiisa ka dhigay 1/1.
Ka hor inta ayna dhamaan qaybta dambe ee ciyaarta ayay Dortmund dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay isla xiddiga Donyell Mallen kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Man United ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta.
Daqiiqadii 52-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Antony kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Dortmund aya dhinaceeda sii waday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay wax walba u sameeyeen sidii ay u dhalin lahaayeen goolal kale.
Daqiiqadii 71-aad ayay Man United dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Youssoufa Moukoko kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Dortmund garaacday Man United

Related



Source link