Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Dani Carvaajal ayaa ku digtay kooxda Barcelona ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Barcelona ayaa garaacday Real Madrid kulan saaxiibtinimo oo dhexmaray labad kooxood oo ka tirsan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
” Guuldarada ka soo gaarta Barcelona waxay afka ku reebi kartaa dhadhan xun, laakiin waa inaad ogaataa xilliga aan ku jirno, waxa ay ciyaartu ka dhigan tahay” ayuu yiri Dani Carvajal.
“Waan ku qanacsanahay in tartanka rasmiga ah, aan ka badin doono Barcelona oo aan badino”.
“Kulankii saaxiibtinimo [Barcelona] waxaan helnay fursado waxaan garaacnay birta 5 jeer xitaa waxan khasaarinay Rikoodhe”.
“Ha werwerin, marka ay timaado runta waanu ka gudbi doonaa iyaga,” Carvajal ayaa xaqiijiyay.
Related