Christian Eriksen ayaa sheegay in Manchester United ay ka soo iibsanayso ‘ciyaaryahan aad u wanaagsan iyo waliba No.9 aad u xoogan.
Red Devils ayaa ogolaatay in ay xiddiga ka bixiso 64 milyan oo euro oo kor ugu kacaysa 72 milyan oo euro oo gunooyin ah.
United ayaa kaliya dhalisay 7 gool 5 kulan oo ah isku diyaarinta xilli ciyaareedka taas oo muujisay baahida ay u qabaan saxiixa weeraryahan cusub.
Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ka tagay kooxda bishii November waxana ay ku badaleen Wout Weghorstm suuqii January.
Eriksen oo si fiican u garanaya Xiddiga 20 jirka ah oo ay isku xul yihiin ayaa sheegay in uu wax fiican ku soo dari doono kooxda Man United.
“Side ayuu yahay?, waa xiddig xoogan, No.9, waxa uu sameeyay horumar fiican sanadkii hore, markii ugu horaysay ee aan arkay waxa uu joogay xulka qaranka sidaas darteed waa ciyaartoy fiican”ayuu yidhi.
Related