Kooxda chelsea ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa Goolhayaha Brighton ee Robert Sanchez sida ay sheegayaan wararku.
Blues ayaa isha ku haysa in ay la soo wareegto goolhaye cusub kadib bixitaanka Edouard Mendy si uu tartan ugu galo Kepa Arrizabalaga waxana la filayaa in Sanchez uu ogolaaday in uu ku biiro Chelsea.
Sanchez ayaan haatan ahayn dookha 1-aad ee Brighton waxana uu booskiisa u lumiyay Jason Steele.
Chelsea ayaa 25 jirkan la xidhiidhinayay kooxda chelsea wargayska The Athletic ayaana sheegaya in ay Blues dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixiisa.
Wararka ayaa sheegaya in ayna Brighton wali ka jawaabin dalabka Blues ay ka gudbisay saxiixa Goolhayaha Reer Spain.

Related



Source link