Tababaraha Kooxda Southampton ee Thomas Frank ayaa Arsenal u sheegay in ay bixiso 40 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa Goolhaye David Raya.
Arsenal ayaa si lama filaan ah bartilmaameed uga dhigatay Goolhaye David Raya iyaga oo doonaya Goolhaye Ramsdale kula tartama booska goolka Arsenal.
Mikel Arteta ayaa taageere weyn u ah Goolhayaha reer Spain waxana uu doonayaa in uu kooxdiisa keeno inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Goolhaye David Raya ayaa dhinaciisa diyaar u ah in uu ku biiro Arsenal isaga iska diiday xiisaha uga imanaya kooxda Bayern Munich.
“Sida wadahadalo kasta u dhacaan, waxan doonayaa in aan helno 40 milyan oo euro”ayuu Frank Yidhi.
“Qiimahaas waa inta uu u qalmo, waxan qabaan in uu ka mid yahay Goolhayayaasha ugu fiican premier League sidaas darteed qiimahaas ayaa lagu heli karaa”.
Related