Goolhayaha kooxda Man United ee Andre Onana ayaa durba u muuqda mid khaati ka taagan khaladka Daafaca Harry Maguire.
Maguire ayaa sidii caadadiisa ahayd sameeyay khalad kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Dortmund habeenimadii Axadii.
Onana ayaa caan ku ah kubada baaska ah ee laga ciyaaro halka dambe taas oo inta badan lagu amaano Goolhayayaasha haatan kubada cagta ka ciyaara.
Intii uu socday Dortmund daafaca ayaa sameeyay khalad intii uu socday kulanku taas oo ka xanaajisay Goolhayaha reer Cameroon.
Taas ayaa keentay in uu Onana si weyn ugu xanaaqo Maguire waxana ay camerooyinku qabteen isaga oo ku qalinaya Daafaca.

Related



Source link