Andre Onana ayaa ka jawaabay ka dib markii uu ku qayliyay saaxiibkiis Harry Maguire kulankii Manchester United ay guuldarada 3-2 ah ka soo gaartay Borussia Dortmund.
Goolhaye Onana oo Man United ugu soo biiray lacag dhan 47 milyan oo euro ayaa ciyaaray kulankiisii 2-aad ee Kulankii ka dhacay Allegiant ee magaalada Las Vegas.
Waxa uu badla ku soo galay qaybtii hore dambe ee ciyaarta waxana daqiiqado yar kadib la arkay isaga oo ku qaylinaya Maguire.
Xiddiga reer England ayaa sameeyay khalad sabab u noqon gaadhay in Man United laga dhaliyo gool kadib markii uu kubad halis ah u celiyay Christian Eriksen.
Onana ayaa badbaadiyay fursada kadib waxa la arkay isaga oo daba ordaya Maguire isla markaas ku qaylinaya kabtanka Red Devils.
Goolhayaha ayaa ka jawaabay dhacdada waxana uu sheegay in uu kaliya saaxiibadiisa kooxda ka dalbanayay in ay si fiican u ciyaaraan.
“Waxan isku dayaa in aan la hadlo sababta oo ah waa xiddig fiican, waa mid ka mid ah kabtanada kooxda”ayuu Onana yidhi.
“Waxa uu ku fiicanyahay kubada sidaas darteed waxa aan ka dalbanayay in uu wax fiican qabto laakiin waa qof fiican, waxa aan la leeyahay xidhiidh fiican isaga”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link