Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay weerar dhinac suuqa ah ku qaado kooxda Liverpool inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Tottenham ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka Harry Kane kaas oo ku dhaw kooxda Bayern Munich sida ay sheegayaan wararku.
Sidaas darteed Waxa ay Tottenham u baahantahay badalka Harry Kane waxana ay calaamadsatay xiddig u ciyaara kooxda Liverpool.
Spurs ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Diogo Jota kaas oo ay u aragto badalka tooska ah ee Harry Kane hadii uu ka tago kooxda.
Wararka ayaa sheegaya in ay Tottenham isku diyaarinayso in ay dalab 50 milyan ah ka gudbiso xiddiga reer Portugal.
Jota ayaa muhiim ka noqday Liverpool tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray Wolves waxana uu kooxda ka caawiyay ku guulaysiga koobab muhiim ah.

Related



Source link