Real Madrid ayaa xaqiijisay in saxiixii xagaaga ee Arda Guler uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray.
Kooxda reer Spain ayaa kula dagaalantay Barcelona saxiixa da’yarka aadka loo qiimeeyo iyaga oo kula soo wareegay lacag dhan 20 milyan bilowgii bishan.
Guler ayaa kooxda u raacay safarka maraykanka ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub laakiin ma uusan ciyaarin guulihii ay ka gaareen AC Milan iyo Manchester United.
Inkasta oo uu ka maqnaa tababarkii todobaadkii hore sabab la xidhidha xanuun uu ka dareemay muruqa, hadana waxa la aaminsanaa in uu ciyaari doono kulankii Man United ee la soo dhaafay.
Kadib markii uu awoodi waayay in uu ka hor tago kooxda Man United tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in uu sidoo kale seegi doono kulanka sabtida ee El Clasico ay Barcelona kula ciyaari doonto Arlington.
Weli waxaa jirtay rajo ah in uu door ka ciyaari karo kulanka saaxiibtinimo ee soo socda ee Juventus, laakiin qiimayn dheeraad ah ayaa daaha ka qaaday in Guler uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah.
18-sano jirkaan Real Madrid uga yimid Turkey ayaa ku laaban doona Madrid si uu uga soo kabsado dhaawaca soo gaadhay si uu diyaar ugu noqdo xilli ciyaareedka cusub.
Related