Real Madrid ayaa doonaysa in ay xaliso xaalada Kylian Mbappe ka hor inta ayna kulankooda ugu horeeya ee La Liga ee xilli ciyaareedka cusub bilaabmin 12ka August sida ay sheegayaan wararku.
Los Blancos ayaa si joogto ah loola xiriirinayay u dhaqaaqista xiddiga reer France xagaagan kadib markii ay soo bandhigeen rabitaankooda ku aadan saxiixiisa sanadihii ugu dambeeyay.
Intaa waxaa dheer, madaxweynaha PSG Nasser Al Khelaifi ayaa doonaya inuu iibiyo Mbappe xagaagan si ay uga fogaadaan in ay qaab xor ah ku lumiyaan xiddiga sanadka dambe.
Kooxda Saudi Pro League ee Al-Hilal ayaa soo gudbisay 24-sano jirkaan lacag rikoorka adduunka ah 300 milyan oo Yuuro, taasoo ay aqbashay PSG, halka kooxaha Premier League ee Arsenal, Manchester United iyo Chelsea lala xiriiriyay.
Laakiin Liverpool ayaa si lama filaan ah wadahadalo ula furtay PSG si ay qaab amaah ah kula wareegaan xiddiga muddo hal sano ah.
Xiddiga reer France ayaa haatan ka baxsan kooxda PSG heshiiska amaahda ah ayaana shaqayn karta iyada oo Liverpool diyaar u tahay in ay xiddiga hesho muddo hal xilli ciyaareed ah iyada oo PSG helayso lacag amaah ah.
Si kasta ha ahaatee Real Madrid aya u muuqata kuwo diyaarar u ah in ay tallaabo qaadaan kadib xiisaha PSG.
Sida laga soo xigtay ESPN, Real Madrid ayaa badalaysa go’aankooda ku aadan Mbappe isla markaas u dhaqaaqi doonto xiddiga xagaagan halkii ay ilaa xagaaga dambe sugi lahayd.
Related