Kabtankii hore ee kooxda West Ham Mark Noble ayaa sheegay in ay Arsenal awood u leedahay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhawaatay ku guulaysiga horyaalka premier League iyaga oo hogaaminayay intii ugu badnayd xilli ciyaareedka.
Laakiin ugu dambayn Arsenal ayaa 5 dhibcood ka dambaysay kooxda Man City ee ku guulaystay horyaalka premier league xilli ciyaareedkii hore.
Markii la waydiiyay hadii ay kooxda Arsenal ku guulaysan karto horyaalka ayuu yidhi”Shaki kuma jiro, sababta oo ah waxa aan arkaa sida ay Arsenal u ciyaarto”.
“Xagaaga waxa ay suuqa galiyeen lacag badan waxana ay haatan haystaan koox da’yar ah oo guul u gaajaysan waxana ay haystaan fursad fiican”.

Related



Source link