Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Reds ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Darwin Nunez oo la joojin laayahay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa furay goolasha kooxdiisa kadib markii uu dhaliyay daqiiqadii 30-aad.
Xiddiga da’yarka ah ee Bobbu Clark ayaa sii dheereeyay hogaanka goolasha ee kooxda Liverpool kadib markii uu daqiiqadii 35-aad dhaliyay goolka 2-aad.
Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolasha iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dilaan oo ay ka faraxashaan qaybta hore.
Daqiiqadii 38-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.
Qaybta dambe ayuu Klopp is badal ku sameeyay kooxdiisa kuwaas oo dar-dar la soo galay qaybta dambe ee ciyaarta.
Daqiiqadii 64-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ben Doak kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul isla markaas oo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ilaa haatan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Related