Rasmus Hojlund ayaa la filayaa inuu noqdo saxiixa xiga ee Manchester United ka dib markii ay Atalanta iyo Man United sabtidii ka heshiiyeen qiimaha.
20-sano jirkaan oo dhaliyay 16 gool xilli ciyaareedkii hore ayaa durba ka fiirsan doona lambarka uu u qaadan doono Man United.
Hojlund ayaa xirfadiisa ciyaareed soo xidhay 17 laba jeer oo uu u xidhay kooxaha Atalanta iyo Copenhagen halak uu No.9 u soo xidhay kooxda Sturm Graz halka uu N.28 u xidhay xulka qaranka Denmark.
Anthony Martial ayaa haatan heysta lambarka 9-aad ee United halka Fred uu xiran yahay 17. Laacibka reer Brazil ayaa laga yaabaa in uu ka tago kooxda iyada oo Fulham doonayso saxiixiisa.
Dhanka kale, Facundo Pellistri – oo amaah ku bixi kara inta uu furanyahay suuqa xagaagan ayaa xidha No.28.
Sidaas darteed xiddiga ayaa midkood qaadan kara Lambarada No.17 ama No.28 hadii ay xiddigaha jooga ka tagaan kooxda.

Related



Source link