Hadii ay Liverpool ku guulaysato in ay amaah kula soo wareegto xidiga Kylian Mbappe, Klopp ayaa haysan doona dookhyo badan oo fiican dhinaca weerarka.
Wargayska The Telegraph ayaa sheegay fiidnimadii xalay in ay Liverpool wadahadalo la furtay PSG si ay amaah hal sano ah ku hesho xiddiga Kylian Mbappe suuqa xagaaga.
Reds ayaa dhiiri galin ka heshay diidista Mbappe ee ah in uu diido in uu ka tago kooxda ama uu heshiis cusub u saxiixo kooxda xilli uu doonayo in uu qaab xor ah uga tago Kooxda xgaaga.
Hadii ay dhacdo in uu Mbappe yimaado Anfield, Klopp ayuu ku dhici doonaa madax xanuun dhinaca doorashada shaxdiisa ah dhinaca weerarka.
Liverpool ayaa haataba haysata xiddigaha Mohamed Salah, Darwin Nunez, Cody Gakpo, Luis Diaz & Diogo Jota.
Laakiin weerarka ayaa loo baahanyahay in uu noqdo kaliya 3 xiddig taas oo keenaysa in uu Klopp qaadan doono go’aano qadhaadh marka uu dooranayo shaxdiisa.
Wargayska Mirror ayaa soo saarya sida ay noqon karto shaxda Liverpool hadii uu Mbappe ku biiro kooxda Liverpool.
Related