Kooxda chelsea ayaa wadahadalo kula jirta kooxda PSG iyaga oo doonaya in ay xiddig iyo lacag isugu daraan kooxda reer France si ay u helaan saxiixa Kylian Mbappe suuqa xagaagan.
Mar kale, mustaqbalka Mbappe ayaa ka mid ah hadal haynta aadka u weyn suuqa xagaagan iyada oo uu xiddigu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isaga oo qaab xor ah uga tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.
Go’aanka Mbappe uu ku diiday heshiiska cusub ayaa keentay in xiddiga lala xidhiidhiyo kooxo badan oo ay xitaa ka mid tahay kooxda ka ciyaarta sucuudiga ee Al-Hilal.
Sidoo kale Liverpool ayaa wadahadalo la furtay PSG si ay qaab amaah ah ugu hesho xiddiga xilli ciyaareedka dambe halka ay Real Madrid dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabtay xiddiga.
Sida laga soo xigtay Daily Record, Chelsea ayaa haatan ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga iyaga oo wadahadalo kula jira kooxda reer France.
Ilaa haatan ma kala cada cidda ay ku dari doonaan heshiiska ay ku doonayaan Mbappe laakiin Blues ayaa diyaarinaysa xiddig iyo waliba lacag si ay u hesho xiddiga.

Related



Source link