Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis afka ah la gaadhay kooxda Monaco iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Axel Disasi.
Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa heshiis la gaartay daafaca heerka caalami ee dalka Faransiiska kaasoo ku kacaya 45 milyan oo euro.
25-sano jirkaan ayaa Chelsea siin doona dookh dhinaca daafaca Dhexe ee midig.
Kooxda chelsea ayaa u dhaqaaqday saxiixa xiddiga Disasi kadib dhaawacii halista ahaa ee soo gaadhay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Wesley Fofana.
Chelsea ayaa doonaysa in ay dar-dar galiso saxiixa xiddiga iyaga oo doonaya in ay xiddiga haystaan Bilowga xilli ciyaareedka cusub ee kulanka Liverpool.

Related



Source link