Kooxda Barcelona ayaa xasuuqday kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Labada kooxood ayaa ku soo galay shaxdooda ugu adag iyaga oo doonayay in ay is tijaabiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub
Tababarahayaasha Xavi iyo Ancelotti ayaa  xiddigaha cusub ee kooxdooda ku soo bilaabay kulanka.
Real Madrid ayaa ahayd kooxda ku fiican maamulista ciyaarta laakiin Barcelona ayaa ku fiicnayd dhinaca weerarka iyaga oo qaadyaay weeraro halis ah.
Daqiiqadii 15-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.
Real Madrid ayaa isku dayday in ay raadiso goolal ay ugu soo laabato ciyaarta kuna dhaliso goolal.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1/0 ay Barcelona ku hogaaminayso kana fiicnatahay Real Madrid.
Labada kooxood ayaa is badalo ku sameeyay shaxdooda iyaga oo soo galiyay xiddigo aan ciyaarin qaybtii hore.
Daqiiqadii 85-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Fermin Lopez Martin kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Barcelona ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 90+1-aad dhalisay goolka 3-aad waxana dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.
Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona xasuuqday kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.
Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Jabhada Buurta Gacan-Libaax Gashay.

Related



Source link