Goolhayaha Kooxda Brentford David Raya ayaa tartan xoogan dhex-dhigay kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich.
Bayern Munich ayaa Raya u doonaysa badalka Manuel Neuer kaas oo dhaawac muddo dheer ah kaga maqan kooxda.
Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa tartan adag la galaysa Bayern Munich iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga Reer Spain.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan sheegaya in uu Goolhaye Raya doortay in uu ku biiro kooxda Arsenal.
Romano ayaa intaas ku daraya in ay Arsenal haatan isku diyaarinayso in ay dalab ka gudbiso saxiixa Goolhayaha.
Arsenal oo isku diyaarinaysa tartanka horyaalka xilli ciyaareedka cusub ayaa doonaysa in ay Raya ku xoojiso Goolkeeda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Related



Source link